DEG DEG:- Duqa Degmada Garowe oo Mooshin laga keenay

0

Qaar kamid ah xildhibaanada golllaha deegaanka Garowe ee mooshinka ka keenay duqa Garowe ayaa maanta saxaafada la hadlay, waxayna sheegeen inaan loo dulqaadan karin boobka ka socda wadooyinka iyo go’aan la aanta duqa Garowe xasan Goodir.

Xildhibaan Maxamed Xamari oo ah gudoomiye ku xigeenkii hore ee Garowe ayaa ka mid ah dadka sida aadka ugasoo horjeeda duqa Garowe, wuxuuna sheegay in isbedel degdeg ah loo baahan yahay.

Golaha Degaanka Puntland ayaa sheegay in Duqa Degmada Garowe looga baahan yahay isbadal muuqda oo dhan kasta leh,iyadoo Maalmahaan ay socdeen Mooshin ka dhan ah Duqa Degmada Garowe.