Dadka Yeman oo la sheegay 85% inay Fuqaro Yihiin Ka dib warbixin ay soo saartay..

0

Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka ayuu ku sheegay in Tirada dadka Yeman oo  lagu qiyaaso 26 milyan oo qof, ay 85%. ka mid ah fuqaro yihiin

Bangigu wuxuu arrintaasi ku sababeeyay hoos u dhaca dhqaale oo ka yimid dagaalada ka socoda dalkaasi oo dhaliyay xaalad bani’aadanimo midii ugu xumeyd ebed ee soo marta Taariikhda Yeman, qiima dhac a sicirka Shidaalka oo sababay soo ifbixidda Suuqa madow, iyo sidoo kale qiimaa dhaca lacagta maxliga ah ee dalkaasi.

Bangigu, wuxuu cadeeyay in culeyska miisaaniydda guud ee Yeman sanadkii 2015- uu gaaray 11.4%, iyadoo wax soo saarka gudaha isla sanadkaasi dhamaa 4%. isla sanadkaasi.

Sidoo kale waxaa korardhay Deymaha lagu leeyahay dalka Yeman oo gartay 22.1% bilyan Doollar sanadkii 2014, iyadoo sanadkii 2015 kiina ay gaartay 25.9 bilyaya dollar sanadkii,halka isla sanadkaasi hoos u dhaca  wax soo saark gudaha uu dhamaa 94% .