DAAWO SAWIRADA:-Turkiga oo Maxkamad horkeenay 21 Suxufi oo lala xiriirinaayo afgambigii fashilmay

0

Dowladda Turkiga, ayaa waxay maanta Maxkamadda Magaalada Istanbul horkeentay ugu yaraan 21 Suxufi, taasoo qayb ka ah jawaabta adag ee Dowladdu ka bixinayso afgambigii fashilmay.

Tallaabadaan waxay ka dhalatay markii Dowladda Turkiga ay soo saartay warqad digniin ah oo lagu soo xiraayo in ka badan 90 Suxufi.

Laamaha amamanka Turkiga, ayaa baadigoob culus ugu jira 20 Suxufi, kuwaa oo qaarkood la hadalhaayo in ayba ka carareen dalkaasi.

Dowladda Turkiga, ayaa waxay toddobaadkii hore amartay in la xiro in ka badan 130 xaruumo warbaahineed, oo isugu jira telefishino, wargeysyo, idaacado iyo wakaalado warar.

Dowladda Mareykanka, ayaa waxay walaac xoogan ka muujisay xaaladda dalka Turkiga, ka dib gacanta adag ee Xukuumadda Ankara u adeegsaneyso dadka lala xiriirinaayo afgambigii 15-kii bishaan ka dhacay dalkaasi.

Turkiga waxaa ka soconaaya hawlgal ballaaran oo lagu ugaarsanaayo kuwii soo maleygay afgambigii ka dhanka ahaa Xukuumadda Ankara iyo taageerayaashooduba.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Istanbul1-1 Istanbul2-1 Istanbul3-1 Istanbul4-1 Istanbul5-1 Istanbul6-1 Istanbul7-1 Istanbul9-1 Istanbul91-1 Istanbul92-1 Istanbul93-1 Istanbul94-1 Istanbul95-1 Istanbul96-1 Istanbul99-1 Istanbul992-1 Istanbul-1