DAAWO SAWIRADA:- Ciyaartooyda Kooxda Jubbaland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

0

Ciyaartoyda Xulka kubadda cagta ee Jubbaland iyo macalimiintooda oo kasoo qeybgalay ciyaarihii Dowlad goboleedyada Dalka ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay qaar kamid ah Madaxda ugu sareeysa Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) oo madasha ka hadlay ayaa hambalyo u diray ciyaartooydaas,waxuuna  ku amaanay kaalinta ay ka galeen tartankii dowlad goboleedyada.

“waxaan idin ku amaanayaa kaalinta aad ka gasheen Tartankaas ,waxaadna kor u qaadeen Magaca Jubbaland ,hadaan nahay Madaxdiina waxaan ku dadaaleynaa sidii loo tayeen lahaa xirfadiina isla-markaana dib loogu dhisi lahaa garoomadii kubadda cagta ay lahaayeen deegaanada Jubbalan ee ku burburay dagaalladii sokeeye” sidaas waxaa yiri Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Maamulka Jubbaland.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

ciy1-1 ciy2-1 ciy3-1 ciy4-1 ciya6-1 ciya7-1 ciya8-1-1 ciya9-1 ciya10-1 ciya11-1 ciya11-2 ciya12-1 ciya12-2 unnamed-7-2 unnamed-9-2 unnamed-10-2 unnamed-12-1 unnamed-14