DAAWO:- Maxkamad ku taalla London oo xukuntay wiil Soomaaliyeed oo ku biiri rabay Daacish

0

Wiil Soomaali ah oo Magaciisa lagu Sheegay Cubayd Xasan Jaamac oo 19 jir ah ayaa Maxkamad ku taala magaalaada London waxay ku xukuntay Saddex sano iyo Lix bilood oo xarig ah, kaddib markii lagu helay inuu ku biiri rabay kooxda Daacish.

Wiilkan ayaa lagu soo oogay dembiyo ay ka mid yihiin inuu Kharajka Jaamacadda u isticmaalay inuu ku raaco Diyaarad, si uu ugu biiro Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Cubayd Xasan Jaamac oo haysta dhalashadda dalka Finland ayaa Booliska Britain waxay bishii Feberaayo ee sannadkii hore soo qabteen isagoo la socday Dayuurad ku sii jeedday caasimadda dalka Romania ee Bukharest.

Booliska Britain ayaa sheegay in Cubayd Xasan Jaamac uu ahaa arday Cilmiga Kombiyuutarrada ka barta Jaamacadda Middlesex University, isla markaana ay ku qabteen caddeymo badan oo muujinaya inuu qorsheynayey inuu ku biiro Kooxda Daacish.

Guriga uu ku noolaa ardaygan oo ku yaalla Koofurta magaalada London ayaa saraashiisha Boolisku waxay sheegeen iney ka heleen Qoraallo muujinaya qaabka loo sameeyo bambooyinka qarxa, Filimo muujinaya Kooxda Daacish oo dad surka ka jartay ,qalab kale oo loo adeegsan karo in wax lagu dilo iyo maapka dalka Turkiga.

Waxaa kale oo la horkeenay Maxkamadda alaab uu sitay markii la qabanayay iyo Qoraallo uu wiilkani uu qoray oo muujinaya Liiska Shaqo ee uu dooran karo marka uu ku biiro Kooxda Daacish, kuwaasoo kala ah: Xarun Warbaahin, Kalkaaliye Isbitaal, Makaaniko, Waaxda farsamaysa Qaraxyadda, Macallim Madarasadda iyo Booliska Diinta iyo Tababare Milliteri.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

alaabtii-lagu-qabtay-1