Xuutiga oo sheegay inay sameeyeen gole u taliya Yamen

0

Mucaaradka Shiicada Xuutiga ee Yemen iyo taageerayaashooda ayaa sheegay inay sameeyeen gole xukuma Yemen, iyadoo calaamad u ah horumar la’aanta heshiiska ay dhexdhexaadinaso Qaramada Midoobay si loo joojiyo dagaalka sokeeye.

Hadal qoraal ah oo ay soo saareen Xuutiga, ayay ku sheegeen in golaha si wareegto ah ay hogaanka isla hayn doonaan xisbiga General People’s Congress ee uu ka tirsanaa madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Waxay sheegeen ujeedada inay tahay, in la mideeyo ka soo horjeedka gardarada Sacuudi Careebiya, oo hogaaminaysa isbahaysi la dagaalamaya Xuutiga, oo taageeraya dowladda Yemen tan iyo sanadkii hore.