XOG RASMI AH:- General Mungaab oo Xil Cusub loo Magacaabayo ka dib markii ay isku siyaasad noqdeen Madaxweynaha

0

Xog ay heshay Warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegeysa in Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” la filayo in xil wasiiru dowle loo magacaabo maalmaha soo socdo.

Qorshahan ayaa waxaa wada madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna wararku sheegayaan in Generaal Muungaab uu heysto balanqaad markii ay arrintaasi ka wada hadaleen labada dhinac, rajadiisuna tahay in loo magacaabo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya.

Xasan Muungaab oo la sheego inuu hanti badan ka urursaday intii hayay xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u sharxan xildhibaan iyo jagada madaxweynaha, taasoo u muuqata inuu Xasan Sheekh doonayo inuu ka hor tago.

Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa isaguna rajo ka qaba in xilkan cusub u saamaxayo inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada, halkaasoo uu ku dhex wadan karo ololihiisa musharaxnimo ee labada jago.