Xildhibaan Cumar Finish oo shaki geliyay in Doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo

0

Xildhibaan Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) ayaa wuxuu shaki geliyay qabsoomida Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo, xilli dhaliilo kala duwan ay ka taagan yihiin Diyaargarowga arintaasi loogu jiro.

Marka la eego sida waqtiga uu u dhaw yahay iyo Diyaargarow la’aanta jirta ayaa Xildhibaanka wuxuu sheegay inaysan suuragal aheyn in waqtigeeda Doorashada ay ku dhacdo, sababo ku aadan gaabis badan oo jira.

Waxa uu sheegay in markii uu arkay fulin la’aanta jadwalka doorasho, waqtiga oo soo dhawaaday iyo gaabiska jira aan August iyo September macquul ahayn dalka inay ka dhacdo doorasho waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Runtii markaan fiirinno sida ay hadda wax u socdaan ee gaabiska ah, iyo watqigii oo hoosta naga soo galay ilama ahan aragti ahaan in hadda doorasho laga gaarsiin karo August iyo September laakiin kama hordhaceyno ee waxaan ka war sugeynaa guddiga loo xilsaaray.

Xildhibaan Cumar Finish, ayaa sidoo kale wuxuu aragti ahaan ka hadlayaa waxa keenay in Doorashada ay dib u dhacdo xilligaan.

“Sababo badan ayaa keenay, doorasho kama qabsoomi karto meel aan amni ahayn oo dowladda koontaroolin, meello ka mid ah dalka ma maamusho dowladda oo waxaa maamula kooxo nabadda kasoo horjeeda, meello kale oo dowladda gacanta ku haysa laakiinse amniga aanu saamaxayn in doorashooyin ka qabsoomaan wey jiraan, sidoo kale waxaa jirta maamul sheegay in Soomaaliya ay ka go’een lana rabay in doorasho ay ka dhacdo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaanka.

Dowladda Xasan Sheekh uu hogaamiyo ayaa waxaa lagu eedeynayaa inay qorsheynayso waqti kororsi, maadaama waqtigii Diyaargarowga Doorashada Dowladda aysan diyaar u noqon.