Jabhadda Al-Nusra oo Al-Qacidda ka baxday iyo qaraar ka soo baxay

0

Mid kamid ah kooxaha islaamiyiinta ugu awoodda badan ee Suuriye ee Al-Nusra ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay ururka Al-Qacidda.

Kooxda waxay sidoo kale sheegtay in magaceeda ay ku badashay Jabhadda Furashada Shaam (Jahat Fatax Al-Sham).

Hogaamiyaha Al-Nusra, Abu Maxamed al-Golani, waxa uu sheegay in tallaabada ay meesha ka saareyso marmarsiinyada awoodaha shishiiye sida Mareykanka iyo Ruushka ee duqeynaya dalka Suuriya.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kirby, waxa uu tilmaamay in ay arrintan u lamid tahay is cusbooneysiin dhanka diyaar garowga ah.

Wuxuu intaa raaciyay in bartilmaameedka mintidiinta uu sidiisa sii ahaan doono.

Mr Kirby waxa uu sidoo kale sheegay in dhaqdhaqaaqa Ruushka iyo xaaladda aadanaha ee Suuriya ee nawaaxiga magaalada Xalab ay u muuqato inay tahay isku dey wanaagsan oo dadka rayidka ah looga soo saarayo halkaasi.

Sidoo kale waxay noqon kartaa in mintidiinta halkaasi ku jira ay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.