Dowladaha Kenya iyo China oo iska kaashanaya dhanka amniga

0

Dowladda Kenya waxaa ay xoojinaysaa xiriirka dhanka difaaca ee kala dhexeeya wadanka China si dowladda China ay Kenya ugu caawiso dagaalka ay kula jirto argagaxisada iyo burcadda badeedka, sidaa waxaa sheegay saraakiil Kenya ka tirsan.

Xoghayaha difaaca ee dalka Kenya Raychelle Omamo  ayaa sheetay iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo China uu kor u qaaday ammaanka iyo nabaddageliyadda wadamada ku yaala bariga iyo geeska Afrika.

“Dowladaha China iyo Kenya waxaa ay sii wadi doona iskaashiga dhanka difaaca ah si labada dowladood ay awood ugu yeeshaan doorkooda ku aadan wax ka qabadashada argagaxisada caalamka,” ayay tiri Omamo oo ka qeybgalaysay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 89 aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka xoreynta dadka Shiinaha oo lagu qabtay safaaradda Shiinaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xoghayaha difaaca ee dalka Kenya haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa sidoo kale sheegtay, in mudnaanta koowaad ee Kenya ay tahay in iskaashiga dhanka difaaca ah ee dalka Shiinaha ay la leeyihiin la xoojiyo isla markaana lala yimaado istiraatiijiyad kor u qaadaysa nabadda iyo deganaanshaha gobolka.

Kenya  ayaa iskaashiga dhanka militiriga ah oo ay la leedahay dalka Shiinaha waxaa ay kamid ah is dhaafsiga xogaha iyo laamaha mukhaabaraadka si looga hortago kooxaha argagaxisada iyo burcad badeedka ka qowleysata bad weynta Hindiya.

Mrs. Omamo xoghayaha difaaca, ayaa intaa ku dartay in taageerada dalka Shiinaha ay Kenya u tahay mid awood dheeraad ah siisay ciidanka dalka Kenya kuwaas oo la tacaaleya cadowga gudaha iyo kan dibadda ah.

U qeybsanaha safaaradda Shiinaha ee dalka Kenya dhanka militirga Qiu Yi, ayaa sheegay in Beijing ay ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah u soo daabuli doonto wadamo kamid ah qaaradda Afrika si dalalkaas gacan ugu siiyan nabadda iyo xasiloonida.

” Ilaa iyo hadda, 2,400 oo militiriga dalka Shiinaha ayaa kamid ah howlgalka Qaramada midoobay muddo todobo sano ah kuwaas oo ka howlgala wadamada Mali iyo Suudaanta koofureed,” ayuu yiri  Qiu.