Afar qof oo Indonesiya ay dil ku fulisay iyo Muran ka dhashay

0

Saraakiisha dalka Indonesiya waxay sheegayaan in dilka afar maxbuus oo toogasho ku xukunnaa oo daroogo lagu eedeeyay la fuliyay.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Noor Rachmad waxa uu sheegay in seddax kamid ah dadkaasi ay Nigeriya ka soo jeedaan, midna uu u dhashay Indonesia.

Waxaa dadkaasi lagu dilay toogasho ay fuliyeen koox kamid ah askarta dilalka fulisa.

Horraantii isbuucaan, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Indonesiya, waxa uu sheegay in 14 qof oo u badan ajaaniib la dili doono.

Ehellada, dowladaha caalamka, iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxa ay dalka Indonesiya ka codsadeen inaysan dilin maxaabiista.