XOG+XASAASI:- Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ka badbaaday Shirqool lagu dili rabay

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka bad‐baaday qorshe loo diyaariyey in lagu qaarijiyo, kadib markii laga war‐helay qorshahaas, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Warbaahinta.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayey inuu yimaado magaalada Muqdisho maalinta talaadada, hase yeeshee waxa uu socdalkiisa baajiyey markii lagu war‐geliyey shirqoolka ka dhanka ah ee la maleegay.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Shariif oo ku sugan magaalada Kampala ay sirdoonka Uganda u sheegeen in la doonayo in la dilo, sidaas darteedna uusan tagin Muqdisho inta ay xog badan oo arrintan ku aadan ka helayaan.

Ilo‐wareedyada la helaayo ayaa sheegay in shirqoolkan ay abaabuleen Shaqsiyaad kala duwan,gaar ahaana kuwa doonaya in ay fushadaan dano Siyaasadeed.

Meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa talaadadii ka dhacay qarax ay ku dhinteen 13 qof, kaas oo qofkii Is qarxiyey uu ahaa Mudane horey uga mid ahaa baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, iyadoo ilaa hadda aan baaris rasmi ah lagu sameyn.

Madaxweynihii hore ee dawladda Faderaalka ee KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah Musharax u tagan Madaxweyne-nimada Soomaaliya, ayaa hadda la filayaa in uu soo gaaro caasumada Soomaaliya, isagoo qeyb ka noqon doona Tartan adag oo ka dhacaya Muqdisho.