Obama oo si buuxda u taageeray H. Clinton

0

Madaxweyne Obama oo ka hadlayay shirka xisbiga Dimuqraadiga ee ka socda Philadelphia, ayaa taageeray musharaxa xisbiga ee madaxtinimada.

Obama wuxuu yiri Hillary Clinton waa qof degan oo dadka dhegaysata, qof kastana si ixtiraam leh ula dhaqanta si kasta oo duruufuhu u adag yihiin, waxaanu yiri waa qof aan hawl u taal ka harsan.

Obama wuxuu kaloo sheegay in Marwo Clinton ay tahay musharaxa keliya ee fursadaha qofkasta oo Mareykan ahi rajayno suuragelin karta.