DEG DEG:- Shir lagu soo gabagabeeyay Muqdisho iyo Madaxweynaha oo ka qeyb galay

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeyay  shirkii looga hadlaayay arimaha waxbarashada , gaar ahaan waxbarashada Sare.

Shirkaan ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ka socday muddo dhan 3 maalmood, waxaana qeybgalayay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo quburo caalami ah  oo aqoon durugsan u leh tayeynta waxbarashada Sare.

Shirka oo maanta la soo gabagabeeyay , ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim oo la sheegay in lagu tayeynaayo waxbarashada Sare ee dalka.

Soo gabagabeynta Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ,xildhibaano, iyo sidoo kale wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta ka hadlay soona xiray shirka ayaa ka hadlay arimo badan oo ku aadan tayeynta waxbarashada Sare dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyay Wasaarada waxbarashada oo soo qaban qaabisay shirka looga hadlaayay tayeynta waxbarashada Sare.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale madaxdii goobta ka hadashay ayaa dhammaantood qiray in ay muhiim tahay in la helo waxbarasho sare oo tayeysan