Waa sidee Xaalada Deegaanka Arbacow Saaka ?

0

Waxaa saakay degan xaalada Deegaanka Arbacow ee Duleedka magaalada Muqdisho oo xalay ku Dagaalameen Shabaab iyo ciidanka AMISOM.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Arbacow ayaa sheegaya in xaaladu hadda ay tahay mid degan,iyadoo ay furmeen meelaha qaar goobihii Ganacsiga.

Goobjoogeyaal ayaa Idaacadda Risaala usheegay in saakay uu dib u biloowday Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo isku socodka Dad weynaha, inkastoo xalay Dagaal kooban uu dhexmaray ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab.

Weerarka ayaa la sheegay in ay qaadeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyagoo Tiro Madaafiic ah ku garaacay fariisin ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow.

Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Deegaanka Arbacow ayaanan weli ka hadlin weerarkii xalay ay ku soo qaadeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, waxaana Shabaab ay horey sidan oo kale weerar ugu soo qaadeen saldhiga Deegaanka Arbacow ay ku leeyihiin ciidanka AMISOM.