Q.M oo sheegtay in Dhadhaab ay ku jiraan 42,000 Kenyaan been isu diiwaangeliyay

0

Hay’adda Qaramada Midoobey u qabailsan Qaxootiga ee UNHCR,ayaa sheegtay in ay adag tahay in lakala saaro Dadka Qaxootiga ku ah Dhadhaab iyo kuwa aan ahayn kadib markii ay soo baxday warbixin muujineysa in Dad ka badan 40,000 oo Kenyaan ah lagu helay in ay markii hore Qaxooti aysan ahayn isku diiwaan geliyeen.

Arrintan waxaa ay timid kadib markii ay billaabatay in dib loo celiyo Qaxootiga Soomaalida ah e ku jira Xerada Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Duke Mwancha,ayaa sheegay in ay hadda soo baxday in Dad Kenyaan ah oo si khaldan isu diiwaan geliyay ay ku jiraan Dhadhaab loona baahan yahay habkii loo kala hufi lahaa.

Waxaa uu sheegay Mr Duke Mwancha,in Hakad la geliyay dib u celinta tartiib tartiibta ahayd,kadib markii ay soo baxday in Dad markii hore qiyaano isu diiwana geliyay ay hadda la xumaatay islamarkaana Kenyaan noqdeen.

Dawlada Kenya ayaa bishii Mey ku baaqday xiritaanka xeryaha Dhadhaab kadib markii ay ula muuqatay inaysan ammaankeeda u rooneyn.

Intaa kadib waxaa hadana dawladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo QM isla garteen in hannaanka dib u celinta iyo xiritaanka xeryahaa si tartiib tartiib ah loo sameeyo ee aan qaxootiga celintooda aad loo qasbin lana dadajin.

Bishii lasoo dhaafay waxaa beesha caalamku soo uruurisay deeqo gaaraya aduun lacageed oo dhan $7.2 milyan si loogu fududeeyo hannaanka dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed.