DHAGEYSO WARBIXIN XASAASI AH:- Afhayeeno is amraya iskuna heysta Cidii Bulshada kaga sheekeyn laheyd Qaraxyada..Wasaarada Amniga Vs Maamulka Gobolka Banaadir

0

Afhayeenada Tiradda badan ee kala matala qeybaha kala duwan ee Dowlada Soomaaliya ayaa qaarkood waxaa ay isku heystaan xiligaan Cidii ka hadli laheyd Markii Xaalad Amni ka dhacday qeybo kamida Dalka ama xitaa Magaalada Muqdisho.

Cidii Masuuliyadaas qaadi laheyd iyo qaabka loo kala hadlayo ayaa Xiliyo badan waxaa ka muuqday is-dhinacyaac badan oo xitaa qeybo kamida Dadka Soomaaliyeed ku jahwareereen.

Arrinta ayaa hadda u dhaxeysa Afhayeenka Wasaaarada Amniga Gudaha iyo Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

C/Kaamil Macalin Shugri Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaana ku doodaya in Marka Xaalad Amni Daro dhacdo inaysan ka hadli karin cid ka baxsan Wasaaradda Amniga taasna isaga loo xilsaartay.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/Fitaax Cumar Xalane ayaa dhankiisa Sheegay in Masuuliyada Amni ee Gobolka Banaadir loo xilsaaray Gudoomiyaha Gobolka Cidkasta oo uu Gudoomiyuhu u xilsaartana arrintaas ka hadli karto hadii Xaalad Amni Darro dhacdo.

Waxaa Nasiib darro lagu tilmaami karaa iyadoo Qarax ama Weerar ka dhacay Dalka kaas oo ay ku dhinteen Dad badan kuwo kalena iga oo qaarkood Dhaawacyo halis ah qaba Hospitaaladda Jiifaan in leysku qabsado cidii ka soo muuqan laheyd dhanka Kaamiradda.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXIN