DHAGEYSO:- Nabad Sugida Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixisay Howlgalo walxaha qarxa lagu soo qabtay oo laga sameeyay Suuqa Bakaaraha

0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Xalay Howlgal ka sameeyay Suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay ka soo qabteen gaari walxaha qarxa iyo hub ay saaranyihiin.

Gaariga iyo Hubka ayaa laga soo qabtay Hotel lagu Magacaabo Al-Cimraan oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Hay’addaha Amaanka Soomaaliya ayaa Mustaqbal u sheegay in sidoo kale la soo qabqabtay dadkii lahaa gaariga iyo kuwo kale oo la tuhumay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa Mustaqbal usheegay in ay heleen xogta ku saabsan hubka iyo gaariga walxaha qarxa ay saaranyihiin kadibna baaris ay halkaasi ka sammeeyeen, gacantana lagu soo dhigay.

HALKAAN KA DHAGEYSO