XOG RASMI:- Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo Guri uu dhacay lagu heysto iyo Xasan Sheekh oo Fariin kulul loo diray

0

Gurigaan oo ku yaalla Xaafadda Buuloxubeey degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sida Cadeeyeen inta badan Dariska waxaa iska leh Milki ahaan Aabo Xuseen Maxamed Abiikar, iyadoona Gabar ay dhashay Xaaskiisii oo geeriyootay oo ilmihiisa ku hooyo ah ay ka xaday Docomentigii gurigaas iyo baasaboorkiisii intaba.

Waxaana ay Maxkamad degmada Xamarweyne ay ku kala bedeshay Milkiyadda Guriga islamarkaana ay bilowday in Guriga oo uu degan yahay Aabo Xuseen Maxamed Abiikar oo ku dhow da’da 90 jirka in ay Beec Naadiso oo dalaalo ay u xil saarto howshaas.

Qaar ka mid ah Ehellada iyo Deriska Aabahaas Soomaaliyeed ayaana ka hortagay tallaabadaasi islamarkaana waxaa Kiis ay ku noqotay markii sharciga la isla tiigsaday gabadhaasi Docomentiyada Lahaanshiyaha Guriga ka xaday Adeerkeed soo korsaday oo lagu Magacaabo Xaawo Yuusuf Maxamed.

Markii uu ku cadaaday Dambigeeda ayaana Xaawo Yuusuf la amray in la xiro lakiin waxaa sharcigu u ogolaaday Damaanad in lagu sii daayo maadaamo ay uur lahayd.

Waxaana Intaas kadib markii damaanadaas ay dib ugu heshay Xuriyadeedii ay garab ka heshay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Xidig oo ay isku heyb yihiin gabadha Adeerkii soo Korsaday dooneysa in ay boobto iyadoo ka goos heysata shaqsiyaad ku taamaya Xasaanada dowladda.

Hadaba Fowsiyo Xuseen Maxamed oo ka mid ah Gabdhaha Aabahaas Soomaaliyed uu dhalay kuna Hooyo ah Xaawo Yuusuf oo lagu eedeeyay in ay xaday Docomentiyada lahaanshiyaha Guriga ayaa sheegtay in aabaheed ay u ahayd sida Gabar uu dhalay oo kale illaa 3 sano jirkeediina ay joogtay guriga aabaheed lagana fileyn in ay fal nuucaan ah ku dhaqaaqdo sida ay tiri.

Aabo Xuseen Maxamed Abiikar oo 87 sano jir ah oo aan ku booqanay Gurigiisa oo la sheegay in si sharci darro ah Maxkamadda Gobolka Banaadir ay uga xukmisay ayaan ku booqanay Hooygiisa isagoo sharraxaad naga siiyay sida ay wax u jiraan.

Ugu dambeyn Cabdullaahi Maxamed Cali ( Cabdullaahi Weyne) oo waqti dheer ay daris ahaayeen Aabo Xuseen Maxamed Abiikar ayaa sheegay in dariska oo dhab ay ka war hayaan in uu isagu leeyahay Guriga isagoo sheegay in ay ka soo horjeedaan cadaaladda darrada .

Arrinta is weydiinta Mudan ayaa waxa ay tahay qof Damaanad looga sii daayay Xabsi oo kiis dambi u xirnaa sida looga xukumay markii ay u soo garbiyeen masuuliyiin xasaanad leh Malkiilaha gurigaas iska leh oo sharciga iyo Dariskaba ay isla qireen in uu leeyahay guriga.

Hadana waxaa intaas sii dheer in Docomentiyada ay soo kala wareejisay Gabadhu inaanu lahayn faraha Malkiiliha Gurigaasi Aabo Xuseen Maxamed Abiikar iyo cod ama cadeyn uu ku Ogolaaday in gurigiisa la wareegsado.