WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo war ka soo saaray Qaraxyada ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

0

Ururka Al-Shabaab ayaa war deg deg ah ka soo saaray Weeraradii loo adeegsaday Gawaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay Masuuliyada Qaraxyadaas oo ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwa aad u xoogan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen ilaa 12, ruux, waxana gaadiidka gurmadka deg deg ah ay weli ku mashquulsan yihiin daabulida dadkii ku wax yeeloobay Halkaasi.