Ugu yaraan inta la xaqiijiyey 19 Qof ayaa lagu dilay Xarunta..

0

Nin horey shaqaale uga ahaa Hoyga lagu xannaaneeyo dadka Naafadda. Kuna hubeysnaa Tooreey ayaa la sheegay inuu geystay dilkaasi, kadib, markii uu jebiyey Dhismahaasi oo ku yaalla Degmadda Sagamihara oo 40 KM dhinaca Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tokiyo.

Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay in ka badan 26 kale, mana cadda sababaha ku dhaliyey Falkaasi.

Dhinaca kale, Eedeysanaha oo lagu magacaabo Satoshi Uematsu oo 20 jir ah ayaa la sheegay inuu isku dhiibay Boliska.

Weerarkaasi ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu xumaa ee noocaasi oo ka dhacay Taariikhda dhow ee Japan.