Somaliland oo xaqiijisay in Wakiillo Kenyaan ah ay Hargeysa u tageen si Khaadka Kenya loo geeyo Somaliland

0

Wasiirka Arrrimaha Dibadda Somaliland, Dr:Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay jireen wefti Kenyaan ah oo dhowaan Tagay Magaalada Hargeysa, isla markaana la soo hadal qaadeen Jaadka Miiroga ah sidii uu Hargeysa u Geyn lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay wali wax heshiis ah laga gaarin arrimaha ganacsiga iyo Sidii Qaadkaas loogu Soo Weecin Lahaa Deegaanada Maamulka Somaliland.

Wasiir Sacad ayaa Tilmaamay iney Harsanyihiin kulamo kale oo arintan looga xaajoonayo kaasi oo Markale ka fariisanayaan dhinacyada Somaliland iyo masuuliyiinta Kenya.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa qortay in Kenya ay Qaadka Miirooga u dhoofineyso Somaliland si ay uga beddelato Aqoonsi ay ka hesho Somalilaland Dalka Kenya.

Guddoomiyaha Gobolka Miiroo ayaa booqasho ku tagay Hargeysa,waxaana uu sheegay in ay isla garteen in Qaadka Kenya ee Koofurta Soomaaliya loo weeciyo Somaliland,si ay ugu beddeshaan Aqoonsi ay Kenya siiso Somaliland.

Wargeyska The Star ee Kenya,ayaa qoray in Dowladda Soomaaliya ay mamnuucday Qaadka Kenya iyada oo ka aargudaneysa xiritaanka Xerada Dhadhaab ee Dalka Kenya.