DAAWO QISO XANUUN BADAN:- Gabar Ninkeeda ka Carootay oo Tahriib gashay oo Ninkii Isagoo Caruurtii Wata, Ka daba yimid

0

Abwaan C.risaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani) ayaa wuxuu ka waramay Qiso Xigmad badan oo ka dhacday magaalada Hargeisa, Taasi oo uu ka sameeyay Maanso la yidhaahdo Gadaal Noqod.
Qisadaan ayaa waxay dhexmartay Qoyska Nolshada ku midoobay, oo markaasi haystay Laba Caruur ah, Gabadhii ayaa waxaa lagu diray Ninkeeda, Waxayna go’aan ku gaadhay inay kala tagaan, Inkaasi kadib waxay ka codsatay lacag iyadoo Reerkooda aadey, Gabadh Walaaasheed ah ayaa waxay usoo sheegtay Ninkeeda inuu go’aanka Xaaskiisu yahay inay Tahriibto.

Ninkii ayaa Gabadhii walaasheed ku wargeliyey inay sii Raacdo ilaa Adis-ababa, Isagoona markiiba ka dabatagay, Wuxuuna isaguna Kiraystay Gaadhiga ay Raacayso gaadhiga ku xiga, Iyadoona isku marka doonta la saari doono Marka ay Saxaraha Tagaan, Xaaskiisii waxba ma ogayn, Waxayna ku War heshay markii meel isugu geeyay oo ay garatay Caruurteeda Oohinteeda, Wuxuuna Intaasi kadib ugu jawaabay “Meel aan ku hadhno miyaa Jirtay ? Dadkii ay Safarka wada Ahaayeen ayaa Noqday wax yaaba iyo Kuwa Ooyey.

https://www.youtube.com/watch?v=JmrJWcFJ5yA