TOP+SAWIRRO:- Wafddi uu hoggaaminayo Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray Jowhar

0

Wafddi sare oo ka socda Midowga Afrika gaar ahaan howlgalka AMISOM,ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wafddigan,waxaa hoggaaminaya madaxa midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire ,Francisco Madeira,waxaana ka mid ah Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM Jeneraal Cismaan Nuur Subagle oo dhawaan la magacaabay.

Booqashada Wafddiga ayaa lagu sheegay in Taliska Ciidanka Burundi ee Shabeellaha dhexe la baro Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM,Jeneraal Subagle, in sidoo kale la baro Taliyaha cusub ee Ciidanka Burundi ee Shabeellaha dhexe Ndiwayo Venaste ,waxaa kale oo ay xaqiijinayaan amniga Gobolka iyo kaalinta Burundi,waxaana sidoo kale ay kormeerayaan Magaalooyinka Jowhar,Aadan Yabaal iyo Cadale.

Wafddiga,waxaa ka mid ah ku xigeenka Wakiilka AU ee AMISOM Haweeneyda lagu magacaabo , Lydia Wanyoto,waxaana ay kulan la qaateen Madaxda Ciidanka AMISOM ee Shabeellaha dhexe.

Wafddiga aya Ciidanka Burundi uga mahad celiyay in ay AL-shababa ka saareen magaalooyin ka tirsan Shabeellaha dhexe,waxaana ay ku boorriyee in ay sii wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

1 2 3 4 5 6 7 8