TOP DHAGEYSO:- Xildhibaan qiray Xaalada dhabta ah ee jirta“khilaaf ayaa ka taagan soo xulista Baarlamaanka”

0

Waxaa dhowaanahan lagu guda jiray sidii loo soo xuli lahaa oo loo soo diyaarin lahaa xubnaha Baarlamaanka Qaranka ee dowladda dhexe ee Soomaaliya oo bedeli doonta dowladdan hada waqtigeeda uu sii dhamaanayo.

Magaalooyinka maamul goboleedyada dalka ka bilaabatay sidii Odayaasha dhaqanka ay usoo xuli lahaayeen xildhibaanka ka mid noqonaya Baarlamaanka Qaranka ee dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud hada waxaa ku shirsan mid ka mid ah beelaha dega gobolkaasi kuwaas oo doonaya in ay soo xushaan xubnihii Baarlamaanka dowladda dhexe ay ku lahaayeen, isla beeshaas qaar kaloo ka mid ah oo dega gobolka Jubbada Hoose ayaa iyana ku shirsan magaalada Kismaayo, waxaana ay soo xubnihii Baarlamaanka dowladda dhexe ay ku lahaayeen, taas oo khilaaf ku dhex abuurtay xubnaha siyaasiyiinta ee ka tirsan dowladda.

Xildhibaan C/qaadir Sandheere oo ka mid xubnaha Baarlamaannka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Beeshaan ay kuwada shiraan halmeel si uu udhamaado khilaafka ka dhextaagan.

Xildhibaanka ayaa sidoo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in arintan ay fara gelin ku sameyso oo ay isku keeno beeshaan Labada gobol ku kala shirsan.

HALKAAN KA DHAGEYSO