Maxay Tahay Sababta loo xeray Guddoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka Ee Muqdisho ?

0

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Xabsiga u taxaabeen Guddoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka Ee Muqdisho C/wahaab Cali Muumin iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Xarunta .

Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoomiye C/wahaab Cali Muumin lala xiray 5 kamid ah Shaqaalaha Xarunta uu Guddoomiyaha ka yahay.

Sidoo kale Lama Oga Sababta Ciidanka NISA ay u xireen Guddoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka Ee Muqdisho C/wahaab Cali Muumin iyo Shaqaalaha lala Xiray.