Boko Haram oo La laayey & 80 Haween ah oo lasoo bad baadiyey

0

Maleeshiyada Argagaxisada ah ee Boko Haram ayaa lasoo sheegayaa in weerar xoogan lagu qaaday fariisin ay kusugnaayeen gudaha Dalka Nigeria.

Ilaa 42 Askari oo katirsan Boko Haram ayaa la toogtay iyadoona laga soo bad baadiyey 80 Haween ah oo ay madax furasho uheysteen.

Meliteriga Dawlada Nigeria ayaa howlgalkaasi ka fuliyey Xaafada Gangere Ee Gobolka Wuqooyiga ku yaalla ee Borno.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Meliteriga Nigeria Sani Kukasheka Usman ayaa sheegay inay toogteen 42 katirsan Kooxda Boko Haram oo ka mid ah Argagaxisada dagaalka ka wada Dalalka Chad,Cameroon iyo Nigeria.