XOG+XASAASI:- Al-Shabaab oo Dagaalo cusub kaga dhawaaqay Galgaduud

0

Ururka Al Shabaab ayaa Gobolka Galgaduud waxa ay kaga dhawaaqeen inay bilaabayaan dagaal cusub oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya.

Guddoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud socdaal ku maraya ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan qaadista dagaalo cusub oo ka dhan ah ciidamada Huwanta.

Wuxuu sheegay dadka ku nool Gobolka Galgaduud in laga doonaayo dagaaladaasi inay door ka qaataan, gaar ahaan dhalinyarada inay dagaalka ka qayb qaataan oo ay is qoraan.

“Dagaalkaan waa mid Cadowga iyo Islaamka u dhaxeeya xamlada Infiruu oo ah xamlo dadka Muslimiinta lagu boorinayo iney Jihaadka u soo baxaan cadoowgana ay iska dhiciyaan.” Ayuu yiri Sheekh Xasan yacquub.

Waxa uu sheegay hadii dadka aysan iska dhicin ciidamada Itoobiyaanka inay ka shanlaayi doonaan, markii hantidooda si xoog ah looga qaato.

Ciidamada Shabaabka ayuu sheegay mar kasta inay u diyaarsan yihiin difaacida deeganada Gobolka Galgaduud ee gacanta Shabaabka ku jira, isaga oo kula dar daarmay ciidamada inay isku diyaariyaan dagaalkaasi cusub.

Shabaabka ayaa doonaya dhalinyaro cusub oo ay dagaal geliyaan, xil