WAR DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saraakiil Cadaan ah oo Kulan Xasaasi ah wada qaatay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Balidoogle waxa ay kula kulmeen Saraakiil Maraykan ah oo Tababar ku siinayay Saldhig qarsoodi ah oo Maraykanku ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Hoose Ciidamo Kumaandooska dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Kulanka oo ahaa mid aan loo ogoleen Saxaafadda ayaa la sheegay in saacado badan uu qaatay.

Maraykanka ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ka caawiya dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.