WAR DEG DEG AH+XOG BUUXDA: Dadaalo lagu doonayey in dagaalka Haylaan & Sanaag lagu baajiyo Oo fashil kusoo dhamaaday

0

Warar hoose oo la helayo ayaa lagu ogaaday in ay jireen dadaalo nabdeed lagu joojinayo xiisad dagaal oo ka dhacda gobalada Haylaan & Sanaag ee Puntland, taas oo ay wadeen xubno ka socda dawladdaha jaarka la ah Soomaaliya & Isimada dhaqanka ee gobaladaas.

Isimaddan, Beesha Caalamka & Ergada mid kamid ah Dawladdaha jaarka ah ayaa wada hadalo la yeeshay dhinacyada Puntland & Somaliland, sida ay sheegayaan wararka la helaayo waxaana ay kala istaageen meelo adag oo ay dhinac kasta sheeganayso in ayadu maamusho gobladan.

Puntland waxay diidey in ay haba yaraatee ciidamadeeda ka saarto aagaga dagaalka, waxayna sheegeen in aysan aqbaleyn in taako kamid ah dhulka Puntland laga qabto Diwaangalinta maamulka Hargeysa.

Guddiga dhexdhexaadintu waxay soo jeediyeen in ay Somaliland guud ahaan hakiso arrimaha Diwaangalinta Doorashada oo ay dhamaan ka baxaan deegaanada ay hadda ciidamada ku soo galeen, laakiin wey diideen taasi.

Dawladda Itoobiya oo la rumeysan yahay in ay qeybta ugu badan ku leedahay dhexdhexaadintan ayaa u sheegtay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo aagagan, oo imaanshaheeda hadda uu keenay abaabulka dagaalka buuxa laga cabsi qabo in uu ka dhasho.

Markii ay dhinacyadu kala istaageen go’aamadaas adag, wixii ka dambeeyey dhiilo colaadeed oo cusub ayaa laga dareemayaa Jiidaha dagaalka, waxaana la xaqiijiyey in deegaano hor leh oo aysan horey ciidamada Puntland u joogin ay saaka gaareen.