R/Wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Marxuum Maxamed Yuusuf

0

Ra’iisul Wasaaraha X. F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Aadem ku-xigeenkii Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xukuumadda, dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Maxamed Yuusuf.

“Innaa Lillahi wa inaa Ileyhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Maxamed Yuusuf Aadam la wadaagaya qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahayna ha ka abaal mariyo wanaaggii iyo shaqadii uu qaranka u soo qabtey’’, ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Sidoo kale, waxaan Tacsi u direy Ehellada Marxuum Maxamed Yuusuf Adam (M Khayr), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ku xigeenada Xog-hayaha, Agaasimayaasha Waaxaha iyo dhammaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.