Taliyaha cusub ee ciidanka Nabad Sugida Sh/Dhexe oo xilka la wareegay

0

Kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa xilka waxaa si rasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada NISA Gobolka Shabellaha dhexe.

Munaasabada waxaa goobjoog ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda NISA, kuwaasi oo goobjoog u ahaa qaabka ay u dhacday Xaflad xilka uu kula wareegaayay Taliyaha cusub.

Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow, ayaa xilkaan loo magacaabay, kadib markii 21-Bishii June ee sanadkaan Gobolka Shabellaha dhexe lagu dilay Taliyihii ciidamada NISA C/wali, kaasi oo dilay Askari ka tirsan ciidamada.

Taliye Xaayow, ayaa ka codsaday Bulshada Gobolka Shabellaha dhexe inay kala shaqeeyaan masuuliyada loo dhiibay oo ah xil culus.

“Waxaan la wareegay xilka taliyaha NISA ee Gobolka Sh/dhexe, muhiimadda waa inaan ka wada shaqeynaa amniga, amniga faa’idadiisa waxa leh bulshada waxaan shacabka gobolka Sh/dhexe ku boorrinayaa inay kala shaqeeyaan Nabad iyo xasiloonida gobolka ciidanka amniga qaranka sidii hore ay ula shaqeeyeen si ka wacan, waxaan u taagan nahay inaan bulshadda amaankooda ilaalino insha allah waana ku guuleysanaynaa’’ ayuu yiri Dhamme Xaayoow.

Ciidamada Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa howlo muhiim ah waxa ay ka hayaan Gobolkaasi, iyagoo dagaal adag kula jira Xoogaga Shabaab.

Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe, ayaa soo dhaweeyay Taliyahan cusub ee loo magacaabay Ciidanka NISA ee Shabellaha dhexe.