Ra’isal Wasaaraha Dalka Turkiga oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Ra’isal Waaraha Xukuumadda Turkiga Ali Yaldaram, ayaa sheegay in inqilaabkii fashilmay ee dalkiisa , uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin cilaaqaadka Xukuumaddiisu ay la leedahay Dowldaha Caalamka.

Wuxuuna intaas raaciyay, in isku dayga afgambigii dhicisoobay uusan haba yaraatee, wax khalkhal ah ku abuuri doonin wadanka Turkiga.

Isagoo warbxin siinayay, wakaaladda Wararka Turkiga Anadol, wuxuu yiri ” Nidaamkeenna Dimoqaraadiga ah, iyo Howlaha Xukuumaddeena  sidoodii ayay u soconayaan”.

Ugu dambeystii R/wasaaraha Turkiga,, wuxuu cadeeyay in yoolka ay  higsanyaan uu yahay nabad iyo horumar.