DHAGEYSO:- Xildhibaan si kulul uga hadlay dadkii lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Baay

0

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay baaritaan ku sameyso  dadkii lagu dilay deegaanka war-diinle.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Maxamuud Gaagaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay difaacdo dadka shacabka ah ,islmarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay jawaab cad uga soo saarto dadkii lagu laayay deegaanka War-diinle ee gobolka Bay.

Ciidanka dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la sheegay in ay dad shacab ah ku dileen deegaanka War-Diinle ee gobolka Bay.

AMISOM ayaa beenisay dhankeeda in dad shacab ay ku dishay gobolka Bay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-