DHAGEYSO:- Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay iney baarto Dad ay AMISOM dishay

0

Iyadoo Ciidanka AMISOM dad  Rayid ah ku dileen Deegaanka Wardiinle ee Gobolka Bay una jira 37-KM Magaaladda Beydhabo ee Xarunka Bay ayaa Dadkii ladilay Shalay waxaa lagu Aasay deegaankaas kadib markii ay isku yimaadeen eheladda dadka dhintay.

Injineer Nuur Sh Cali oo mida ah Gudi loo xilsaaray in Dadka la-dilay  inay kala hadlaan  Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa Sharaxaya wixii dhacay isaga oo sheegay in Dadka loo aasay labo labo ayna ka soo qeyb galeen  Masuuliyiin katirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Injineer  Nuur Sh Cali ayaa dhanka kale Sheegay In Dowladda  Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ka Codsanayaan In Talaabo ka qaadaan Ciidanka AMISOM.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintan aanan lagu simin in Gudi loo xilsaaro kuwaas oo aan wax badan ka qaban karrin arrintan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-