XOG:- Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Puntland oo aan wali la sixin

0

Wararka aan ka heleyno wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa sheegaya inaan la sixin imtixaankii fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe iskuulada ku yaal deegaanada Puntland.

Sida warka aan ku helnay waxaan ilaa hadda wasaaradda la siin lacagtii lagu sixi jiray Imtixaanka fasalka 8-aad,  Sarkaal ka tirsan wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa sheegay in dowladdu bixin lacagtii lagu sixi lahaa Imtixaanka, waxaana Garowe ku sugan macalimiintii sixi lahaa.

Lacagta lagu saxo imtixaanka fasalka 8-aad ee Puntland ayaa ah 270,000$, Waxaana imtixaanku sixitaankiisu u xaniban yahay lacagtaas, waana sanadkii labaad oo Imtixaanku dib u dhaco siday sheegeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda.

Waxaan si rasmi ah loo ogayn sababta keentay in dowladdu bixin weydo lacagta lagu saxayo Imtixaanka,  waxaana arintan ay ku soo aaday xilli sanadkan uu Midowga Yurub dhaqaalaha ku bixin jiray Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland uu joojiyey.

Furitaanka iskuulada ayaa waxaa ka harsan muddo dhowr asbuuc ah waxayna Ardayda iyo waalidiintuba wali sugayaan natiijada Imtixaanka maadaama furitaankii sanad dugsiyeedka uu dhow yahay.