WAR DEG DEG:- Kooxaha Banaadir iyo Puntland oo isku Garab dhacay

0

Ciyaar Adag oo galabta dhexmartay Kooxaha Banaadir iyo  Puntland ayaa Goor dhaw ku soo dhamaatay Garoonka L/cagta ee Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u Xiiso badan ayaa waxaa Daawashadeeda ka soo qeyb galay Boqolaal Ruux oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyo Taageereyaasha Labada Kooxood.

Labada Koox ayaa halkaa ku soo bandhigay Ciyaar ay Jecleysteen Dadkii Daawanayay,iyadoo Qeybtii hore lagu kala nastay Hal Gool iyo Ebar oo Puntland ay ku hogaamineysay.

Balse Qeybtii dambe ayaa Labada Kooxood ay soo bandhigeen Ciyaar aad loo jecleystay,waxaana ay ku soo dhamaatay Barbaro ah 2-2.

Labada Koox ee Puntland iyo Banaadir ayaa ka soo baxay Wareega Group-yada,maadaama ay hartay Kooxda Koofur Galbeed.