WAR DEG DEG:- ilaalada Masuul caan ah oo la weeraray & hub laga qaatay

0

Wararka ka imaanaya gudaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu dhaawacay mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Aadan Barre Ducaale oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Askariga la dhaawacay ayaa lagu weeraray meel u dhaw garoonka milatariga Moi Air Base ee magaalada Nairob iyadoona dableyda weerarka geystay ay horay u qaateen biskoolad auu watay askarigaasi ilaalada ahaa.

Askarigan ilaalada gaarka ah u ahaa Xildhibaan Aadan Barre Ducaala ayaa lagu magacaabaa Cabdi Maalin waxa uu dhaawac kasoo gaaray dhanka Lugaha.

Saraakiil u hadashay dowlada Kenya ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan ciddii falkaasi geystay’iyadoona Aadan Barre Ducaale uu si kulul uga hadlay weerarkaasi.