WAR DEG DEG AH+SAWIRRO:- Xiisad Kacsanaan ah oo ka taagan magaalada Buuhoodle ee gobalka Cayn

0

War deg deg ah oo hadda kusoo dhacay ayaa sheegaya in ay magaalada Buuhoodle  ka jirto xiisad culus, ka dib markii uu halkaas gaareen wafdi ka socda Maamulka Somaliland, oo uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Ciise (Xagla Toosiye) oo ay si weyn uga soo horjeedaan dadka magaaladu.

Wasiirka Caafimaadka Maamulka labaxay Soomaaliland Saleebaan ciise Xagla toosyiye iyo ciidanka la socda ayaa ka soo galay magaalada Buuhoodle dhanka magaalada laasacaanood oo ay gacanta kuheyso Maamulka Soomaalialnd.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in heegan adag la geliyay ciidanka madaniga ah ee magaaladaas iyo kuwa Puntland ee ku sugan Buuhoodle, waxaana si diiran isha loogu hayaa hadba xaaladda Magaalada iyo dhaq dhaqaqyada ciidanka la socda wasiirkaasi.

Ilaa hadda lama yaqaano ujeedada socdaalka ee Xagla Toosiye, inkastoo uu deegaan ahaan u dhashay magaalada Buuhoodle, haddana imaanshihiisa ayaa ku soo beegmay xili xaalad dagaal oo u dhaxeysa Puntland & Somaliland ay ka taagan tahay gobalada Sanaag & Haylaan.

1 2 3