WAR DEG DEG AH:- Saan-Saan dagaal socota & Somaliland oo dib uga baxay Aagga dagaalka

0

Warar cusub oo laga helayo goobaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada dawladda Puntland & kuwa Maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegaya in ciidamo xoog badan oo tan iyo saacadihii ugu dambeeyey ay kala helaan labada dhinacba ay hadda fooda isku hayaan.

Goobjoogayaal kusugan deegaanada Xiingalool & Balibusle ayaa u xaqiijiyey Saxaafada in ay labada dhinac ee Somaliland & Puntland kordhiyeen joogitaankooda aagaga dagaalka, qolo kastana ay keentay awoodeeda ciidan.

Mid kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee kunool deegaankaas oo ka barakacay, haddana kusugan duleedka magaalada Dhahar ayaa sheegay in uu arkayey shalay galab iyo xalay ciidamada maamulkaas oo dib uga baxay deegaankii ay soo galeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Saraakiisha ciidamada dawladda Puntland wey ka gaabsadeen in ay saxaafada la hadlaan, waxaase xalay jiray shir gaar ah oo dhinacyada dhexmaray, kaas oo khuseeyey arrimaha dagaaladan kasoo cusboonaaday gobalka Haylaan.

Somaliland ayaa doonaysa in ay doorashooyinkeeda ka hirgaliso magaalooyinka Dhahar, Baran, Xiingalool iyo Ceerigaabo oo ay qaar kamid ah hadda maamusho, gaar ahaana magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag, waxaana marar badan ooh ore aan hirgalin arrintan Somaliland.

Dawladda Puntland waxay marar badan ka hortimid damaca Somaliland, iyadoo xooga saaraysa in aysan Soomaaliland waxba saameyn ah ku yeelan gobalada Sanaag & Haylaan, waxaana jiray dagaalo hore u dhacay.

18 July 2016 dagaaladii ka qarxay deegaanka Booda-Cade ayaa la rumeysan yahay in ay soo dadajin karaan dagaal adag oo dhexmara labada dhinac, kaas oo saameyn weyn oo siyaasadeed ku yeelan kara gacan ku heynta Somaliland ee deegaano badan oo kamid ah gobalada Sanaag & Haylaan.