TOOS U DHAGEYSO:- Maxaa ka cusub Deegaanada Koonfurta Mudug ?

0

Wararka ka imaanaya Deeganada Camaare iyo Kordhin ee konfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkasi howgalo xoogan ay ka wadaan saakay ciidamo ka tirsan dowlada Galmudug kuwaasi oo Maalma ka hor gaaray deeganadasi kadib markii alshabab ay yimaaden deegaankasi.

Ujeedka howgalka ayaa waxa lagu sheegaya in uu yahay in lagu Xaqiijinayo amaanka deeganadasi maadama dadka deegaanka ay ka codsadeen dowlada in ay u soo dirto ciidan ka difaaca dhibaatada kooxda alshabab ay ka wadaan qeyba ka mid ah Mudug.

Howgalka ayaa la sheegayaa in uu hogaaminaayo taliyaha Nabad sugid ee qeybta galmudug

Weriye salaad ciise oo ah saxafi madax banan oo ku sugan dagamada bacadweyne ee konfurta mudug ayaa shegaya in dadka shacab ah ay soo dhaweyeen ciidamada halkaasi gaaray wuxuuna intaasi uu ku daray in hadda xaalada deeganada camaare iyo kordhin ay tahay mid dagan kadib markii halkaasi ay gaareen ciidamada galmudug Halkan

HALKAAN KA DHAGEYSO