Saraakiil ka tirsan Ciidamada Turkiga oo qirtay Afgabigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas

0

Jeneral Akin Ozturk, ayaa la soo xigtay inuu u sheegay baarayaasha inuu doonayay inuu dowladda afgambiyo.

Sawiro jeneraalka ee ay soo daayeen Anadolu ayaa u muuqda inay ku yaalaaan dhowr dhaawac madaxiisa iyo qaarka hore jirkiisa.

Jeneraalka ayaa horaantii inkiray inuu ku lug lahaa afgambiga la isku dayay isagoo sheegay inuu ka shaqeeyay inuu joojiyo.

Anadolu ayaa horaantii sheegtay inuu ka mid yahay ciidamo jeneraalo oo la xiray oo dhan ilaa kow iyo toban.

Ilaaa toddobo kun oo qof oo u badan ciidamo ayaa la xiray.

In kabadan siddeed kun oo boliis ayaa shaqada laga joojiyay, iyadoo laga qaaday hubka.

Fasaxii ay qaadan lahaayeen saddex milyan oo shaqaalaha dowladda ayaa la joojiyay.