Midowga Afrika oo sheegay inay qalabeynayaan ciidamada Somalida ka hor inta aysan Soomaaliya ka bixin

0

Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inay ciidamadooda kala baxaan Somaliya sanadka 2018-ka sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Midowga Afrika.

Guddoomiyaha midowga Afrika ee ammaanka iyo nabadgelyada Ismaaciil Chergui ayaa sheegay in hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ay ka baxayaan Somaliya iyadoo Somaliya ay qaadan doonto kaalinta la baneeyey.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan tababarno oo aan qalabeyno ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ka hor inta aynaan ka bixin dalka” ayaa ku yiri Smail Chergui shir jaraa’id intii lagu guda jiray xiritaanka shirkii 27 ee madaxda midowga Afrika ay ku yeesheen magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Ismaaciil Chergui Guddoomiyaha midowga Afrika ee ammaanka iyo nabadgelyada wuxuu sheegay in midowga Afrika ay ka caawinayaan Soomaaliya doorashada heer madaxweyne iyo mid baarlamaan ee ka dhacaysa dalka dabayaaqada sanadkan.

“Waxaan u baahannahay Soomaaliya oo ammaan ah islamarkaana tixgelineysa xuquuqda aadanaha ee dhammaan muwaadiniinta ayuu yiri wuxuu sheegay.”