DHAGEYSO+SAWIRRO:- Masar oo Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Hub iyo Gaadiid

0

Dowladda Masar ayaa wasaarada gaashaandhiga dowladda Soomaaliya waxay ku wareejisay hub iyo sidoo kale gadiid loogu talagalay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Gadiidka ayaa isku jiray mid dagaal iyo sidoo kale Ambalance sida uu sheegay safiirka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya.

Goobta ay ka dhacaysay wareejinta hubka iyo sidoo kale gaadiidka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale safiirka dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya.

“waxaanu taageereynaa walaalaheena Soomaaliyeed, Hubkaan iyo Gaadiidka Ciidanka oo ay ku jiraan kuwa gurmadka deg degga ah waxaan maanta ku wareejineynaa dowladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan uga qeybqaadaneynaa howlaha dib u dhishka ciidamada Soomaaliya” Sidaas waxaa yiri safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Waliid.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar hubka iyo sidoo kale gaadiidka dagaal, isagoo ku wareejiyay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO

1 2 3 4 5 6 7 8