DHAGEYSO:- Baarlamaanka Puntland oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne C/weli Gaas

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa ay xalay Shir jaraa’id ku qabteen magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.

Xildhibaannadan waxaa ay ka gadoodsan yihiin dagaalka ka socda Gobolka Sanaag,halkaas oo sida ay sheegeen Somaliland weerartay Shalay,islamarkaana ka afduubatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Waxaa ay sheegeen in Dhimasho iyo Dhaawac uu soo gaaray dadka degaanka,waxaana Xildhibaannada qaar ay ku baaqeen in haddii Dowlad ahaan ay ku difaaci waayeen dadkooda ay qaab qabiil ku difaacdaan.

Xildhibaanada qaar ayaa Madaxweyn aha Puntland ku eedeeyay in uu ka jiiftay dhibaatada ay ku sheegeen in Somaliland ay ka waddo Gobolka Sanaag,waxaan ay sidoo kale ugu baaqeen Madaxweynaha Somaliland in uu wax ka qabto colaadda ka taagan Gobolka Snaag ee sababtay in ay dagaallamaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland,kuwaas oo shalay ku dagaallamay degaan hoostaga Ceerigaabo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-