DHAGEYSI XASAASI AH:- Lataliyaha M/weynaha Puntland Amniga Gobolka Haylaan oo ka hadlay wararka u dambeeya Dagaalka.

0

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka jirta deegaanka Booda-Cade iyo deegaano hor leh oo ka mid ah gobalka Haylaan oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dawladda Puntland & kuwa maamulka la baxay Somaliland.

Labada dhinacba hub aruursi xoogan ayay wadeen saacadihii u dambeeyey, waxaana cabsi weyn laga qabaa dagaal culus oo saacadaha soo socda dhexmara Dhinacyadan.

Lataliyaha Madaxweynaha dawladda Puntland ee dhanka Amaanka gobalka Haylaan Axmed Xuseen Doonyaale, oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay dawladdu Puntland difaacan doonto xaduudaheeda.

Mr, Doonyaale wuxuu cadeeyey in ay Puntland ka hortagayso cid kasta oo isku dayda in ay sameyso falal amaan darro, kuna soo xadgudubto xaduudaha Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO