DAAWO SAWIR:- Amiin Arts oo Sawir Cajiib ah ku muujiyey Ugaas Xasan oo ka yaabsaday GABRE iyo IGAD

0

Ugaaska Beesha Xawaadle ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa siwayn uga Horyimid Qorshaha la doonayo in maamul gacan ku samays ah loogu sameeyo Gobolada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan.

Magaalada baladwayne ayaa waxaa dhowr jeer kusoo laabtay Xubno ka socday IGAD oo ay Hogaaminayeen GABRA iyo Maxamed Cabdi Afey, wuxuuna ugaasku si cad ugu sheegay go’aanka Shacabka gobolka Hiiraan.

Dadka Soomaaliyeed oo mudooyinkii ugu danbeeyay Arki jiray in meesha uu tago GABRE aanu Hadal lagu soo celin Jiray, ayaa siwayn u bogaadiyey go’aanka geesinimada leh ee ugaasku uu qaatay.

Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Ku muujiyey Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shacabkii ka Badbaadiyey Waraabe-yaal doonayey inay Hilfaha u qaadaan.

1