Buuq iyo fowdo hareysay shirka xisbiga Jamhuuriga iyo gacmaha oo la iskula tagay

0

Buuq iyo muran hareeyay shirweyahna xisbiga jamhuuriga ee dalka mareykanka kaddib, ayaa si ka duwan sidii caadiga ahayd waxaa madasha ka soo muuqday ninka doonaya in xisbigaasi uu ku matalo doorashada sanadkan.

Donald Trump ayay ahayd in uusan shirkaasi ka hadlin tan iyo inta rasmiyan laga shaacinaya in isaga uu yahay musharaxa xisbiga haseyeeshee waxa uu door biday in uu xaaskiisa ku soo dhaweeyo masraxa.

Shirka inta uusan furmin ka hor ayaa waxaa halkaasi isugu yimid boqolaal qof oo aad uga soo horjeeda in Trump uu noqdo musharaxa xisbigaasi.

Xaaska Trump ayaa sheegtay in seygeeda uu yahay shakhsiga isbadalka u horseedi doono mareykanka.

Xigasho BBC