AMISOM oo sheegtay in ay baarayaan falkii Ciidamada Ethiopia ku laayeen Odayaashii dhaqanka

0

Taliska Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaartay eedeen ku aadan in Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay Dad shacab haa ku laayeen Deegaanka Wardiinle ee Gobolka Baay.

Taliska AMISOM ayaa waxuu sheegay in eedeynta ama Dilka Dadkaasi uu soo ifbaxay kadib Dagaal Culus oo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray Degaanka Wardiinle ee Gobolka Baay.

Barta Twitter-ka AMISOM ayaa lagu sheegay in Taliska Nabad Ilaalada ee Midowga Afrika in ay baaritaan ku bilaabeen dhacdadaasi.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in sameynta baaritaanadaasi la xiriira dhacada ay kala kaashan doonaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan  AMISOM ayaa waxuu imaanayaa maalin un kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay 14 Ruux ku Dileen Degaanka Wardiinle ee Gobolka Baay