WAR DEG DEG:- Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo looga yeeray Xarunta Baarlamaanka

0

Barlamanka Puntland ayaa maanta go’aamiyay inay u yeeraan madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo wax laga weydiin doono arrimo ku aadan xaaladda Puntland iyo gobollada kasii baxaya gacanta dowladda.

Xildhibaanada Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 37-aad ayaa maanta diiradda saaray dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Haylaan kaasoo ka dhashay dhaq-dhaqaaqyo maamulka Somaliland ka bilaabay oo ku aadan diiwaangalinta codbixayaasha doorashadooda dhacaysa 2017.

Waxaa arrintaasi Barlamanku u saareen Guddi ka kooban Lix xubnood, waxaana loo xilsaaray lasocodka howlaha amniga iyo qaabkii xukuumaddu wax uga qaban lahayd arrintaasi.

Barlamanka ayaa markii hore qorshahoodu ahaa inay u yeeraan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, balse waxay ugu cudur-daareen xaaladda gobolkaasi iyo howlaha madaxweynuhu ku mashquulsanyahay oo ay kamid tahay dhismaha golaha deeganka degmadaasi.

Camay, ayaa la filayaa in barri Xildhibaanadu weydiiyaan su’aalo la xiriira waxyaabaha ka fulay ballanqaadkoodii  doorashadii 2014 iyo sababta xukuumaddu isaga indho-tirayso soo celinta gobolladii ay sheegeen inay gacanta Puntland kusoo celin doonaan.